Dawladda Soomaaliya ayaa Shalay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha rayidka ee aadi lahaa magaalada Doolow, sabab la xariirta 6 askari oo dhawaan katagay Muqdisho oo lagu xiray Doolow, kuwaas oo ay ciidanka Itoobiya ee amniga garoonka hayaa qabteen, laguna sheegay xubno katirsanaa laamaha amniga DFS kuna socday Jubbaland.
Masuuliyiinta duulimaadyada, sida ay xaqiijiyeen waxaa loo sheegay in safaradu rayidku bilaaban karaan oo kaliya, haddii 6-dan sarkaal lagu wareejiyo Madaxa NISA ee gobalka Gedo oo kaliya, kahorna uusan safar aadi karin garoonkan oo la xiray.
Ad