Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay guul-darrada kasoo gaartay doorashadii qofka codka ahayd ee 13-kii bishaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi.
Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay natiijada soo baxday ee doorashada, wuxuuna u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo qaran-dhiskuna sidaa yahay” ayuu yidhi madaxweynaha talada haya ee maamulka Somaliland.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada loo galay sidii bulshadu ay u dooran lahayd cidda ay rabaan, wuxuuna ballan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxweynaha dooran.
“Hambalyo madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi guusha aad gaadhay. Waxaan balan qaadayaa taageero buuxda kula barbar istaago iyo in aan xilka si hufan kuugu wareejiyo, Allaha xilkaaga ka dhigo mid horseeda nabad, horumar, iyo guulo waara oo dalkeenna qaaliga ah u soo hoyda” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Somaliland oo uu ka dalbaday inay garab istaagaan xukuumadda cusub, si ay ugu guuleysato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalin kahor guddiga doorashada Somaliland uu shaaciyay natiijada doorashada oo uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaa kale oo tartanka xisbiyada kaalinta 1-aad kusoo baxay Wadani, halka 2-aad uu galay Kaah iyo ayada oo xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye uu hoos ugu soo dagay kaalinta saddexaad, halka gebi ahaan uu haray xisbiga mucaaradka UCID ee Faysal Cali Waraabe.