Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si weyn u taageeray arrin uu diiday xilligii uu ahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda, taas oo la xiriirta doorashooyinka Jubbaland.
Khayre ayaa soo dhaweeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo shalay lagu dhaariyey magaalada Kismaayo, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Jubbaland.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ugu baaqay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan horumarka Jubbaland.
“Dowlad-Goboleedka Jubaland ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shuruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Jubbaland” ayuu yiri Khayre.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in soo xulista xildhibaannada Jubbaland ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka oo horay ay uga jirtay hubanti la’aan.
Waxaa kale oo uu farriin u diray maamullada kale ee dalka oo uu ugu baaqay inay deg-deg u qabtaan doorashooyinka, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.
“Dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland waa tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo hubanti la’aan ku jiray. Waxaana madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqayaa in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbanneeyay dowlad-goboleedyad” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya.
Xasan Cali Khayre oo ahaa ra’iisul wasaarihii koowaad ee dowladdii Farmaajo ayaa lagu xusuustaa sida ay uga biyo diideen doorashadii 2019-kii ee Jubbaland oo ay ku qaadeen dagaal culus oo gaaray heer ay ciidamo kula wareegaan gobolka Gedo ee maamulkaasi.