Home Wararka Maanta mucaaradka Soomaaliya oo Fariin udiray Somaaliland kadib Dorashadi looga adkaaday Muuse Biixi

mucaaradka Soomaaliya oo Fariin udiray Somaaliland kadib Dorashadi looga adkaaday Muuse Biixi

0

Doorashada Somaliland ka dhacday toddobaadkii hore ayaa lagu kala baxay kadib markii uu maanta komishanka doorashooyinka ku dhawaaqay natiijada KMG ah ee doorashada.

Doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, iyadoo Muuse Biixi looga adkaaday codad ku dhow 200 kun.

Qaar kamid ah mucaaridka Soomaaliya ayaa qoraal ay gooni-gooni usoo saareen ugu hambalyeeyay musharaxa la doortay, iyagoo farriin u direy shacabka Somaliland.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ugu doorteen in uu hoggaamiyo shanta sano ee soo socota. Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa xisbiyada Waddani, Kaah, iyo Kulmiye oo ku guuleystay tartanka Xisbiyada Somaliland,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka oo si hufan u maareeyay doorashadan, iyo shacabka Somaliland oo mar kale soo bandhigay qaangaarnimadooda dimoqraadiyadeed, iyagoo si xasilloon, oo xor iyo xalaal ah u doortay hoggaankooda siyaasadeed.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hambalyeeyay Cirro, isagoo Muuse Biixi ku bogaadiyay sida uu u aqbalay natiijada doorashada looga guuleystay.

Waxa uu intaas kusii daray “Doorashadan casharka ugu wayn ee laga baran karo wuxuu yahay in nacaybka iyo aflagaaddada shacabka Soomaaliyeed, gacalaysiga iyo isku dhiibka ajnabiga iyo mansab ku raadinta daadinta dhiiga Soomaaliyeed uu aduun iyo aakhiro beelba leeyahay. Soomaali isma necba, waana gacal iyo xigaal, kuwa kala geynaya, dano siyaasadeedna isku nacsiinaya way dhacayaan dhan walba oo ay joogaan.”

Ad
Previous articleDoorashadii Madaxwaynaha Soomaaliland oo si rasmi ah lagu dhawaaqay
Next articleWaa Kuma Cabdiraxmaan Ciro Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland?