Home Wararka Caalamka Dowladda Shiinaha oo mamnuucday mid ka mid ah Warbaahinta ugu weyn caalamka

Dowladda Shiinaha oo mamnuucday mid ka mid ah Warbaahinta ugu weyn caalamka

0

Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi, waxaa sidaasi shaacisya hay’adda u qaabilsan dhanka telefishinada iyo Idaacadaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa cambaareysay BBC qaabkii ay u tabisay wararka la xiriira feyriska Corona iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs.

Madaxda BBC ayaa dhankooda sheegay in go’aankaasi uu yahay mid”laga xumaado”.

Arrintan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii waaxda dowladda Britain u qaabilsan xadeynta warbaahinta ee loo soo gaabiyo Ofcom ay shatigii ay uga howlgalayeen UK kala noqodtay Telefishinka Shiinaha ee (CGTN).

Go’aanka dowladda Shiinaha ay dalkeeda kaga mamnuucday BBC, waxaa hay’adda maamusha Idaacadaha iyo Teleshinada ee Shiinaha ay sheegtay in BBC lagu helay “ku tumasho shuruucda warbaahinta” taasi oo ay ka mid tahay “in warku noqdo mid run ah oo xaq ku dhisan, balse uusan noqon mid dhaawacaya danaha Shiinaha”.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleMaxay tahay sababta uu RW Rooble uga baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta
Next articleJames Swan oo Dowlada dhoor ah kala hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka Somaliya