Home Wararka Maanta Itoobiyaankii Abid ugu badnaa oo Soo Galay Gudaha Soomaaliya

Itoobiyaankii Abid ugu badnaa oo Soo Galay Gudaha Soomaaliya

0

Maamul gobolka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay qulqulka qaxootiga Itoobiyaanka ee soo galaya gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntand Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ku dhawaad illaa 30,000 oo qaxooti Itoobiyaan ay 10-kii bilood ee ugu dambeysay ay soo galeen deegaannada maamulka Puntland.

Juxa ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeys ay ku hayso arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in qulqulka qaxootiga uu noqday mid xirgaha goostay.

“Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Saciid Faarax (Juxa).

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sii hadlayay ayaa intaasi kusii daray in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Itoobiya, isla markaana diiradda lagu saaray xakameynta qaxootiga iyo dib u celinta kuwa hadda ku sugan deegaannada maamulka Puntland.

Waxaa kale oo uu ku booriyay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga in ay taageero degdeg ah u fidiyaan Puntland, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan deegaannada Puntland.

Qaxootiga ka imaanaya Itoobiya kuma eka Puntland oo kaliya, waxay gaareen gobollo kale, sida Galmudug oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Oromada ku sugan deegaanadaas oo lagu eedeeyay inu biro aruurin ka sameeyeen gobollada dhexe.

Ad
Previous articleAlshabaab oo isku laayay Duleedka Muqdisho Maxaa dhex maray?
Next articleXamse Cabdi Barre oo Weerar Afka ah ku qaaday Axmed Madoobe