Home Wararka Maanta Xukuumadda Somaliland oo si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka...

Xukuumadda Somaliland oo si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.

0

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalladan oo uu jeediyay wasiir Fiqi, kaasi oo uu ku sheegay in dowladdiisu ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami doonto hadalkii ay ka jeediyeen Hargeysa, oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen madax-banaanida iyo midnimada dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sanadaha badan ka hanaqaaday, taasi oo ay ugu dambeysay doorashadii 13-ka bishaan.

“Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad ee aqoonsaday in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasax qaadanayaan maaha,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay wakiilada caalamka ee bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo ku bogaadiyay shacabka sida qaangaadhnimada leh ee u dhacday doorashada.

Wasiir Axmed Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka Denmark, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax-banaanida dalka uu ku dhawaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, taasina ay u arkaan arrin khalad ah, isagoona caddeeyay in safiiradu aanay ka aqbali doonin “in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.”

Ad
Previous articleIsraa’iil oo Duqayn nadir ah ku dishay Maxamed Cafiif Al Naabulsi
Next articleAlshabaab oo isku laayay Duleedka Muqdisho Maxaa dhex maray?