Home Wararka Maanta Jubaland oo weerar aargoosi ah ku qaaday Alshabaab Askar ka laayay

Jubaland oo weerar aargoosi ah ku qaaday Alshabaab Askar ka laayay

0

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markiiĀ  maleeshiyaadka kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaaji, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada daraawiishta ayaa saaka isku fidiyay aagga Buulo-xaaji, waxayna beegsadaan goobo lagu tuhamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, si ay uga jawaabay weerarka.

Howlgalka oo weli sii socda ayaa lagu warramayaa in ay barbar socdaan iska hor imaadyo ay kala kulmayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan halkaasi.

Weerarkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 9 kale, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagaalka keli ku noqdeen ciidamada Jubbaland, kadib markii dhowaan maamulka uu sheegay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen furimaha hore, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay hoggaanka Villa Soomaaliya.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan soo kala dhex-galay khilaaf salka ku haya doorashooyinka, kaas oo sababay in Jubbaland ay xiriirka u jarto dowladda dhexe.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAgaasime Maxmed royal oo Shaqada Laga Cayriyay Maxaa Dhacay?
Next articleAxmed Madoobe oo Ciidamo iyo Gadiidkii Dagaalka Ka Qaaday Garoonka Kismaayo Maxaa soo kordhay?