Home Wararka Maanta Agaasime Maxmed royal oo Shaqada Laga Cayriyay Maxaa Dhacay?

Agaasime Maxmed royal oo Shaqada Laga Cayriyay Maxaa Dhacay?

0

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii kumeel gaarka ee hay’adda dhowrista xogta, Maxamed Axmed Cali (Royal)

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir Maxamed Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay shaqo ka caryinta maareeyaha oo loo jeediyay eedeymo culus.

Maxamed Soomaali ayaa howlwadeennada kale ee hay’adda ku wargeliyay in shaqadii laga joojiyay maareeyahooda, laga bilaaabo 13 Novermber, 2024 oo shalay ku beegneyd.

Sababta ayaa waxaa wasiirku uu ku sheegay in agaasime Maxamed Axmed Royal uu diiday talooyin la xiriira mas’uuliyaddiisa oo lasiiyay iyo inuu gudan waayay shaqada hay’adda.

“Wuxuu fulin waayay talooyin badan oo ku saabsan toosin masuuliyadeed iyo gudashada waajibaadka hay’adda, islamarkaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka hay’adda, kana baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sarsare ee dowladda” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale waxaa la faray maareeye ku xigeenka hay’adda dhowrista xogta, Mudane Daud Abdi Husein uu sii qabto xilkan, inta laga soo magacaabayo maareeyaha cusub.

“Haddaba waxaa la farayaa ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Mudane Daud Abdi Husein inuu noqdo ku-simaha cusub ee maareeyaha guud ee hay’adda inta laga soo magacaabayo maareeyaha guud ee hay’adda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay maareeyaha la eryay uu boggiisa baraha bulshada kusoo qorayay eedeymo ka dhan hoggaanka Villa Somalia.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleLaba nin oo reer Galmudug ah oo Dowlada Soomaaliya Xilal ka haayay oo Maraykanka Xukun Adag Ku riday
Next articleJubaland oo weerar aargoosi ah ku qaaday Alshabaab Askar ka laayay