Home Wararka Maanta Raysal wasaaraha UK oo sheegay inuu diyaar u yahay inay wada shaqeeyaan...

Raysal wasaaraha UK oo sheegay inuu diyaar u yahay inay wada shaqeeyaan Trump

0

Raysal wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa noqday hogaamiyaha labaad ee caalamka ee u hambalyeeya Donald Trump, kadib markii uu sheegay inuu ku guuleystay doorashada, taas oo uu ku tilmaamay “guul doorasho oo taariikhi ah”.

“Waxaan doonayaa inaan wada shaqeyno sanadaha soo socda”, ayuu intaa ku daray raysal wasaaraha UK.

“Laga soo bilaabo arrimaha horumarka, amniga ilaa arrimaha teknoolojiyadda, waxaan ogahay in xirriirka dowladda UK iyo Mareykanka uu sii xoogeeysan doono labada dhinac ee Atalantiga sanadaha soo socda”, ayuu yiri.

“Hadii aan nahay saaxibada dhow ee Mareykanka, waxaan si buuxda u garab taagannahay xoriyadda, dimuqraadiyadda iyo ganacsiga aan wadaano”, ayuu intaa raaciyay

Ad
Previous articleQaar kamid ah taageerayaasha Trump oo durbaba bilaabay inay dabaal degaan
Next articleRaysal wasaaraha Israa’iil oo u hambalyeeyay Trump