Home Wararka Maanta Maraykanka oo Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed ka Cafiyay $1 Bilyan oo Dollarka

Maraykanka oo Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed ka Cafiyay $1 Bilyan oo Dollarka

0

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga caafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kadib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan.

Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Saxiixa heshiiska kadib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya  fursad muhiim ah siinaya.

“Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan) oo doollarka Mareykanka ah” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Dalka…
Next articleDowladda Soomaaliya oo maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub