Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Aqblay Codsigii Xasan shiikh

Baarlamaanka Soomaaliya oo Aqblay Codsigii Xasan shiikh

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortegay labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, maadaama dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo adag.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa labada Aqal la wadaagay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

“Dastuuri ma ah doorashada dadban, dimuquraadigana ka fog” ayuu khudbadiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo sharraxaad ka bixinayay sida ay ku suurageli karto doorasho toos ah ayaa madaxweynuhu wuxuu qiray in dalka oo dhan aysan ka dhici karin xilligan, balse ay u qaadayaan tallaabadii u horreysay, si dadweynaha inta heli karto fursadda ay u codeeyaan.

“Ma rajeyneyno in 20-ka milyan ee Soomaalida ah ay codeyso safarkan hadda nasoo hayo, laakiin safarka kun kiilo-mitir loo aadayo wuxuu ka bilowdaa tallaab, tallaabtii ugu horreysay ee doorasho qof iyo cod ah 55 sano kadib wa daw inaan qabano” ayuu raaciyay.

Intaas kadib madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalab xasaasi ah u gudbiyay xildhibaannada labada gole, wuxuuna ka codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.

“Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan.

Si kastaba, tallaabada uu qaaday maanta madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Ka hadlay Doorashada Soomaaliland
Next articleXisbullahi oo Laysay oo Israailiyiin Badan