Laba weerar oo Xisbullah u adeegsatay gantaallo ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya toddoba qof waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta deegaannadaasi.
Dadka weerarka ku dhintay ayaa isugu jiray qof Israa’iil u dhashay iyo afar qof oo kale oo ah ajaanib ka shaqeynaysay beeraha, kuwaasoo geeriyooday kadib markii uu gantaal ku dhacay magaalada Metula, oo ah magaalo ku taalla xadka Lubnaan sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Israel Katz.
Haweeney Israa’iili ah iyo wiil ay dhashay ayaa sidoo kale ku dhintay beer saytuunku ka baxo oo ku taalla agagaarka Kibbutz Afek, oo u dhow magaalada xeebta leh ee Haifa.
Ururka Xisbullaah ayaa sheegay in ay gantaallo tiro badan ku garaaceen aagga Krayot oo ah waqooyiga Haifa iyo ciidamada Israa’iil eek u sugan deegaannada koonfurta.
Israa’iil ayaa inta badan sheegta in nidaamkeeda difaaca uu qabto gantaallada ay soo ridaan ururka Xisbullah.