Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo hawlgal cusub maanta ka bilowday Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo hawlgal cusub maanta ka bilowday Soomaaliya

0

Hawlgalka cusub ee loogu magac daray Kalaguurka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo bixiyay (UNTMIS) ayaa maanta ka shaqo bilaabay dalka, wuxuna badalay Hawlgalkii la oran jiray Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku sheegay hawlgalka cusub mid muujinaya sida bulshada caalamku ula garab taagan tahay Soomaaliya sidii dawlad adag ay u yeelan lahayd.

“UNTMIS waxa uu xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan – waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta,” ayuu yiri Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Hawlgalka cusub ee UNTMIS ayaa la sameeyay kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024) soona baxay 30kii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS, iyadoo diiradda lagu saarayo hawllaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya. Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’addaha Soomaaliya, Kooxda Qaramada Midoobay ee Ka-hawlgasha Dalka iyo daneeyayaasha kale.

Ad
Previous articleSoomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay golaha dhowrista xogta caalamka
Next articleIsraa’iil oo koonfurta Lubnaan ku qaadday weerarro cirka ah iyo warar dheeraad ah oo laga helayo