Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabo ay Arbacadii shalay qaadeen Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyay qaraar ogolaanaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loo wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay (UNCT) muddo labo sano ah kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.
Qaraarkan oo ay Golaha horgeysay UK, ayaa waxaa u codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale waxaa qaraarka lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS).
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay go’aanka Golaha Ammaanka oo ansixiyay in howlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaalkan ay horay u bixisay dowladda federaalka, isla markaana uu hadda miro dhalay, kuma yimid wada xaajood dhowr bilood u socday guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo UNSOM.
“Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.
Hoos ka aqkhriso warsaxaafadeedka:-
Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.