Home Wararka Maanta Muuse Biixi oo si lama filaan ah uga hadlay haddii uu fashilmo...

Muuse Biixi oo si lama filaan ah uga hadlay haddii uu fashilmo heshiiska ay horraantii sanadkaan la saxiixdeen Itoobiya Waxa Dhacaaya

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay si lama filaan ah uga hadlay haddii uu fashilmo heshiiska ay horraantii sanadkaan la saxiixdeen Itoobiya.

Heshiiskan oo qalinka ku duugeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay soo gaarto biyaha Soomaaliya, taas oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo is-afgaradkan ku tilmaamtay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimadeeda.

Madaxweynaha Somaliland oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in aysan waxba ku waayeen haddii uu fashilmo heshiiska Itoobiya, uuna lamid noqon doono un heshiisyada dalalka la galaan dhiggooda ee socon waayey, isagoo iska indho tiray diidmada dowladda federaalka

“Haddii ay ka noqoto (Itoobiya) maxaa dhibaato ah oo Somaliland soo gaaraya. Imisa heshiis ayaa laga baxaa muxuu na yeelaya anaga,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi oo wax laga weydiiyay mudada dheer ee uu qaatay saxiixa heshiiska rasmiga ee Itoobiya ayaa ku andacooday in waqti uu qaadanayo, ayna saxiixi doonaan xilliga ay isla gartaan labada dhinac.

“Waqtiga ay labada dowladood isla gartaan ayey saxiixayaan. Heshiisyada waqti ayay qaatan badanaa,” ayuu yiri madaxweyne Biixi oo ka warwareegay sababta ka dambeysa in illaa hadda aan la saxiixin heshiiska rasmiga ah ee is-afgaradkii ay horraantii sanadkaan qalinka ku duugeen Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland oo muddooyinkii dambe baahineysay in dhawaan la saxiixi doono heshiiska rasmiga ah ee Itoobiya oo dhul baddeed ay uga beddelaneysay aqoonsi ay hesho ayaa haatan muujinaysa “in aysan waxba u noqoneyn haddii uu fashilmo is-afgaradka”.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaal adag la gashay is-afgaradkan, iyadoo Itoobiya ka dacweysay fagaarayaasha caalamka, islamarkaana cadaadis horleh ku saartay sidii ay dib uga joogsan laheyn saxiixa heshiiska rasmiga ah, kaas oo hadda fashil qarka u saaran.

Ad
Previous articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Ugu Danbayn War Xasaasi ah laga Soo Saaray
Next articleShariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo Cara Kala Duldhacay Warka kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashi Qaran