Home Wararka Maanta Muxuu yahay difaaca gantaallada ee uu Mareykanka siinayo Israa’iil ka dib weerarkii...

Muxuu yahay difaaca gantaallada ee uu Mareykanka siinayo Israa’iil ka dib weerarkii Iran?

0

Maraykanka ayaa sheegay in uu Israa’iil u diri doono nidaamka difaaca gantaalada iyo ciidamo milatari si ay gacan uga geystaan xoojinta difaaca cirka ee dalkaas ka dib markii gantaallo laga soo tuuray Iran horaantii bishan.

Bayaan ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay in Nidaamka difaaca Terminal High-Altitude Area Defence (Thaad) iyo hagayaashiisaba loo diro “si ay u difaacaan Israa’iil”.

Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ballistic ah ku ridday Israa’iil 1-dii Oktoobar. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in intooda badan la qabtay, balse tiro ayaa ku dhacday bartamaha iyo koonfurta Israa’iil.

Israa’iil weli ma aysan sheegin sida ay uga jawaabi doonto weerarka, laakiin wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant ayaa sheegay in ay jawaabta noqon doonto “mid khasaare geyssatay, oo la yaab leh”.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in aysan aqbali doonin weerar kasta oo ay Israa’iil ku soo qaado iyada oo aan laga jawaabin.

Pentagon-ka ayaa sheegay in daabulidda nidaamka Thaad “ay muujineyso sida ay uga go’an tahay Mareykanka difaaca Israa’iil, iyo inuu ka difaaco Israa’iil, weerar kasta oo kale oo gantaalaha ballistic-ga ah ee Iran”.

Maraykanka ayaa nidaamka Thaad u diray bariga dhexe ka dib markii Xamaas ay weerartay koonfurta Israel 7-dii October ee sanadkii hore. Waxay 2019-kii sidoo kale u dirtay nidaamka Thaad Israel 2019 si ay ugu tababarto difaaca hawada.

Laakiin waa dhif iyo naadir in Mareykanka uu Israa’iil u daabulo ciidamadiisa.

Iran ayaa sheegtay in gantaalaadeedii 1-dii October ay jawaab u ahaayeen dilkii ay Israa’iil u geysatay hoggaamiyihii Xisbullah ee Xasan Nasrallah iyo sarkaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ee Beyruut lagu dilay, iyo hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee Tehran.

Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn u kordhisay ololaheeda ka dhanka ah Xisbullah ee ay Iran taageerto, iyadoo duqeymo dhimasho iyo dhaawac sababay ka geysatay koonfurta iyo bariga Lubnaan iyo qeybo ka mid ah Beyrut.

Mar sii horreysay, Israa’iil iyo Xisbullah waxa ay maalin kasta is gantaallo isku weydaarsanyeen gantaalo xuduudaha tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, markaasoo Xisbullah ay billaabeen in ay rasaas ku furaan Israa’iil taas oo ay ku sheegtay in muujinayso taageerada ay u hayso Falastiiniyiinta Gaza. Waxay sheegtay inay joojinayso xabbadda haddii xabbad joojin laga sameeyo Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallo caalami ah oo lagu doonayay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyaan xabbad-joojin laga sameeyo Qaza ayaa ilaa hadda noqonin kuwa mira-dhala.

Waa maxay nidaamka difaaca Thaad?

Ku dhawaaqista Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqaysa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan gantaallada ballistic-ga ee lagu bartilmaameedsanayo Israa’iil.

Nidaamka Thaad wuxuu ku darayaa lakab kale oo ka hortag ah oo loo yaqaan endo iyo exo (gudaha iyo dibadda) gaar ahaan khataraha hawada. Nidaamkan difaaca ayaa waxa u uku kacayaa ku dhawaad hal bilyan oo doolar.

Ninka sameeyay nidaamkan oo la yirahdo Lockheed Martin ayaa wuxuu sheegayaa in nidaamka uu yahay mid aad waxtar u leh oo ka dhan ah bartilmaameedyada gaaban, dhexdhexaadka ah iyo kuwa fogba.

Nidaamka difaaca ee Thaad, oo lagu soo waramayo in ay gaarayaan ilaa 200 kiilomitir ayaa leh noocyo kala duwan oo gantaallaha halkooda ku qarxinaya .

Difaaca gantaallada ee Israa’iil ayaa ka kooban Iron Dome oo loogu talagalay gantaallada riddada gaaban, David Sling oo loo isticmaalo difaaca hubka riddada dheer iyo gantaallada cruise-ka, iyo Arrow 2 iyo 3 oo ka dhan ah gantaallada ballistic-ga ah oo laga soo tuuro meel u jirta 1,000 kiilomitir.

Ka-hortagga gantaallada ballistic-ga ayaa si gaar ah u adag sababta oo ah gantaalladaas xawaarahooda ayaa aad u sarreeya ama guuxooda ka dheereeya iyo heerka degdegga ah ee isbeddelka dhinaca duulimaadka – gaar ahaan inta lagu jiro marxaladda dhammaadka.

Sida laga soo xigtay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, kooxda Xisbullah ee Lubnaan waxay haysataa ilaa 150,000 gantaal – oo ay inta badan keento Iran.

Ad
Previous articleSenotar Cabdi Xashi oo ka Laabtay Go’aankii uu Xilka Uga Qaaday Raysulwasare Ku Xigeenka