Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Culus Ku Qaaday Buula Xaaji Miyay La wareegeen?

Alshabaab oo Dagaal Culus Ku Qaaday Buula Xaaji Miyay La wareegeen?

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Buulo-xaaji oo ay horay ugala wareegeen ciidanka Daraawiishta maamul goboleedka Jubbaland.

Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka dhex-maray, waxaana dhinac kastaa uu guul ka sheegtay howlgalkaasi.

War kale oo kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay fashilyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkooda aanay soo dhaafin difaaca hore ee deegaanka Buulo-xaaji.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dagaalka meesha ka dhacay lagu jebiyay Al-Shabaab, loona geystay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana aagga Buulo-xaaji howlgallo culus ka wada Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.

Ad
Previous articleAlshabaab Ku Sugnaa Gobalka Mudug oo Dagaal Dhowr Jiho ah lagu Qaaday