Home Wararka Maanta Israa’iil oo sheegtay in Xisbullah 320 gantaal ku soo tuurtay shalay

Israa’iil oo sheegtay in Xisbullah 320 gantaal ku soo tuurtay shalay

0

Xisbullah ayaa waxay sheegtay in ay “isku dhacyo” ay dhex mareen iyaga iyo askarta Israa’iil xilli ay isku dayayeen in ay galaan t uulada Ramiya, galinkii hore ee maanta.

Xogo isdaba joog ahaa oo tobankii saacadood ee ugu danbeeyay ka soo baxayay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa waxay sheegaysaa in 15 ruux lagu dilay saddex weerar oo ay israa’iil shalay qaaday oo ka dhacay Deir Bella, Al Maaysra iyo Barja.

Israa’iil ayaa waxay sheegtayin XIsbullah ay ilaa iyo 320 gantaal ku tuurtay gudaha Israa’iil maalinkii shalay ahaa, iyaga oo ka soo gamay dhinaca Lubnaan.

Wixii warar ah ee arrintaan ku soo kordha halkaan ayaan idinkula socodsiin doonaa.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Maantay Ka Dhacay Lubnaan oo askar Israil ah lagu laayay
Next articleMaxaa Lagu Haystaa Gudoomiyayaasha Hodan iyo Howlwadaag ee Shaqa joojinta Lagu sameeyey?