Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab ku Sugnaa Ceelbuur oo Dagaal Culus lagu Qaaday

Alshabaab ku Sugnaa Ceelbuur oo Dagaal Culus lagu Qaaday

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo maleeshiyaad ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen saldhigga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaa soo ay maamulaan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Al-Shabaabkii ku sugnaa saldhigga, iyada oo laga dilay hal dagaalame, mid kalena laga dhaawacay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay saldhigga kala soo baxeen dad ay ka xireen Al-Shabaab, arrintaas oo ka dambeysay weerarkooda.

Sida ay ogaatay Mudug24, maleeshiyaadka ayaa sidoo kale ka xanaqsanaa burburin ay kooxda u geysatay dhismo goobo lagu muran sanaay oo ku yaalla Galgaduud.

Xaaladda degmada Ceelbuur iyo deegaanada u dhow ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo wariyay in Al-Shabaab ay shacabka ku  ku cadaadinayaan in ay keenaan dadkii lagala baxay saldhigga degmada Ceelbuur iyo maleeshiyada weerarka ku qaaday oo baxsaday.

Waa arrin adag in lagu dhiirado in degaan ay ku xoogan yihiin Shabaab la weeraro kadibna dib looga soo laabto, balse waxaa howshaas fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda

Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo ciidanka huwanta iyo kooxda

Ad
Previous articleYaa Ka Danbeeyey Xilka Qaadistii Rasulwasaare ku xigeenka Dalka Saalx Jamac