Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Culus lagalay Ciidamada Itoobiya

Alshabaab oo Dagaal Culus lagalay Ciidamada Itoobiya

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Waajid ee gobolja Bakool.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, ayna ku dishay askar Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay hub kasoo furatay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhig ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya

Ad
Previous articleCiidamo Gadoodsan oo Xoog kula Wareegay koontaroolka Gaalkacyo
Next articleCiidamada Masar oo Si rasmi ah u imanaaya Soomaaliya