Home Wararka Maanta Ciidamo Gadoodsan oo Xoog kula Wareegay koontaroolka Gaalkacyo

Ciidamo Gadoodsan oo Xoog kula Wareegay koontaroolka Gaalkacyo

0

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa qabsaday kontaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay la wareegeen gacan ku haynteeda.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan, waxayna gebi ahaanba qabsadeen kontaroolka waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waxaan cabasho ka nahay in aynaan muddo bilo ah naga maqan yahay mushaarkii iyo xuquudayadii,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan oo ka dalbaday dowladda in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda.

Maamulka Puntland illaa hadda kama jawaabin gadoodka ciidankan oo salka ku haya cabasho mushaar la’aan billo ah oo maamulka Deni uga maqan tahay xuquuqdooda.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan ay qaadan tallaabo noocaan ah, iyada oo la xasuusto in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka ay mar isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa weli dul hoganaya fashilka bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo ayagu billooyinka qaar aan helin wax xuquuq ah.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Dhexmaray Hiiraan State iyo Hirshabeele