Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo Ku dhawaaqay Go’aan ka Nixiyay Xasan shiikh

Axmed Madoobe oo Ku dhawaaqay Go’aan ka Nixiyay Xasan shiikh

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlayay xubnaha golihiisa wasiiradda maanta, ayaa ku dhawaaqay in aysan Jubbaland aadi doonin wax mudo kororsi ah, oo doorashada heer dawlad gobaleed waqtigeeda lagu qaban doono ayna u madax banaan tahay, si lamid ah 2019kii.

MW Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii u dambeeyey ee Muqdisho ay JL uga baxday sabab la xariirta, in la keenay mudo kororsi uu kasii dhalanayo mudo kororsiyo kale, oo aan Soomaaliya wax dan ah ugu jirin, sidaas oo kalena doorasho toos ah ayuu sheegay in aysan suuragal ka aheyn xiligan in la qabto Soomaaliya, maadaama aysan diyaarsaneyn waxyaabihii ka horeeyey doorashadaas, oo ay kamid yihiin

1- Dibu xoreynta dalka oo Argagixisada laga saarayo.
2- Dibu heshiinta, dadka Soomaaliyeed oo wali kala tagsan
3- Doorashada & Madasha oo aan loo dhameyn, heshiisna lagu aheyn
4- & Mudo kororsigan halka sano ah oo aan lagu gaari karin doorasho dadweyne.

Ad
Previous articleGanacsato Goordhow Lagu laayay Magaalada Muqdisho
Next articleXasan Shiikh, Siisii iyo Afawerki oo Shir uu Abiya ka naxay Ku Leh Eriteeriya