Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo alshabaab Kasaaray Dhowr Magaalo oo Muhiim ah

Ciidamada Dowlada oo alshabaab Kasaaray Dhowr Magaalo oo Muhiim ah

0

Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda ka saaray deegaano muhiim ah oo isku xira labadaas gobol, kadib howlgallo culus oo ay ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Deegaanada ay qabsadeen ciidamada ayaa kala hah Ceel Shariif, Mooro-busle iyo Ceel Mareere oo u dhexeeyo demada Bardaale iyo deegaana Goofgaduud-buurey.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay saldhigyo iyo xarumo kale oo lacago ku qaadi jireen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada la xoreeyay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib dagaallo ay kula galeen halkaasi.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleCiidamada SSC Khaatuma oo Dagaal Adag Kala Hortagay Ciidamada Soomaaliland oo Qorshaynyay inay qabsadaan Magaaladaan
Next articleGanacsato Goordhow Lagu laayay Magaalada Muqdisho