Home Wararka Maanta Erdogan ayaa ku tilmaamay Israel urur Sahyuuniyad oo argagixiso ah

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israel urur Sahyuuniyad oo argagixiso ah

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo dhaleeceeya weerarada Israel ee Gaza iyo Lubnaan ayaa ku tilmaamay Israel urur Sahnuuniyad oo argagixiso ah.

Mr. Erdogan ayaa ka hadlayay munaasabad ay joogaan xildhibaanada xisbiga talada haya ee cadaaladda iyo horumarinta ayaa markale dhaliilay quwadaha reer galbeedka gaar ahaan taageerada Mareykanka ee Israel.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu sidoo kale ka digay dagaal dhexmara Iran iyo Israel, wuxuuna sheegay in taasi ay khatar ku keeneyso gobolka.

Mr. Erdogan oo lagu yaqaan sida adag ee uu u dhaliilo Israel ayaa hore ugu tilmaamay Benjamin Netanyahu “Dilaagii Gaza” wuxuuna dowladiisa ku sheegay in ay la mid tahay tii Hitler iyo Naazigii Jarmalka.

Ad
Previous articleTirada ku dhimatay Gaza ayaa dhaaftay 42000 oo qof
Next articleSoomaaliya Eriteriyaiyo Masar oo Dhisanaaya Isbahaysi ka Dhan ah Itoobiya