Home Wararka Maanta Itoobiya oo Si Adag ugu Hanjabtay Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed

Itoobiya oo Si Adag ugu Hanjabtay Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed

0

Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ku eedeeyay in Itoobiya ay hub soo gelisay Soomaaliya.

Jeneraal Birhanu Jula ganafka ku dhuftay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Itoobiya ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada difaaca oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay haddii ay sii socdaan hadallada ka imaanaya Soomaaliya in Itoobiya ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo dheeraad ah.

“Hadda Itoobiya hub sharci ah ma gelin Soomaaliya, laakiin haddii hadallada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karto in Itoobiya ay qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedeynayo” ayuu yiri Jeneraal Birhanu Jula.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il gudaha ah, si ay uga dhex faa’iideysato coladdaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Si kastaba, eedeymaha labada dal ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay maamulka Somaliland.

Ad
Previous articleDr. Xasan Shiikh oo Gaaray Bali Doogle iyo Xaalada Safarkiisa
Next articleAlshabaab oo weerar ku Qaaday Saldhigaan oo ay Daganyihiin Ciidamada Dowlada Somaaliya