Home Wararka Maanta Israil oo Masaajid Ku Yaalay GAZA oo ku Laysay Dad Ku Sugnaa

Israil oo Masaajid Ku Yaalay GAZA oo ku Laysay Dad Ku Sugnaa

0

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Isra’il duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta.

Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad ku barakacay dagaalka Gaza.

Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax.
Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah.

Ad
Previous articleMaxay Sameeyeen 44 Ta Dhalinyarada ah ee Xabsiga Muqdisho Ladhigay
Next articleWasiir Fiqi oo si wayn loogu soo dhaweeyey Garoobka Muqdisho kadib Guul Wayn oo uusoo Hooyay(Sawiro)