Home Wararka Maanta Maxay Sameeyeen 44 Ta Dhalinyarada ah ee Xabsiga Muqdisho Ladhigay

Maxay Sameeyeen 44 Ta Dhalinyarada ah ee Xabsiga Muqdisho Ladhigay

0

Howlgal ay caawa fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal wareero yihiin, kuwaas oo gaaraya 44 dhalinyaro ah.

Kooxahaan ayaa ku eedeysan in shalay Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ay ka geesteen falal amniga liddi ku ah.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan ayaa loo heystaa inay fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal.

Booliska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray Tinta, iyagoo caawa ku hoyanaya xabsiga.

Booliska ayaa soo sawiray dhalinyaradaan oo tinta laga xiiray, waxaana la sheegay in baaritaan kadib lagu maxkamadey doono falalka lagu soo eedeeyey ee ‘ciyaal weeranimada ah.’

Ad
Previous articleAlshabaab ku Sugnaa Galmudug oo Markale Saakay La Duqeeyey
Next articleIsrail oo Masaajid Ku Yaalay GAZA oo ku Laysay Dad Ku Sugnaa