Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Lubanaan oo Qaraxyo Gilgileen

Wararkii Ugu Danbeeyey Lubanaan oo Qaraxyo Gilgileen

0

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil fulisay ayaa sababay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee magaalada Beyruut.

Waxay ahayd habeen kale oo ay dhaceen weeraro cirka ah oo lagu beegsanaayay sida la sheegay kooxda Xisbullah oo ku sugan magaalada Bayruud.

Beegsigu ma cadda, balse garoonka wuxuu u dhow yahay Daahiya oo ah xarunta Xisbullah ee caasimadda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Israa’iil ay si gaar ah u bartilmameedsaneyso Hashem Safieddine oo la wareegi doono xilka hogaamiyaha kooxda, kaas oo ay ilma adeer yihiin hogaamiyihii Xisbullah ee dhawaan la dilay, Xassan Nasrallah.

Qiiq weyn ayaana ka muuqda magaalada Beyruud subaxnimadan Jimcaha markii waagu beryay.

Duqeymahan ayaa soo bilowday saacado kaddib markii ay ciidamada Israa’iil galeen Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihii ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib markii uu millatariga Israa’iil sheegay in dagaalka Lubnaan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare.

Israa’iil waxay markaas sheegtay in saqdii dhexe kadib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut, iyadoo si weyn loo maqlayay daryanka madaafiic culus.

Ad
Previous articleXalaada Shirka Golaha wadatashi Qaran oo Sii Adkaatay Maxaa Laga Dooday Maantay?
Next articleMaraykanka oo Taageeray in Ciidamada Itoobiya Ka Baxaan Soomaaliya