Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalinkii labaad iyadoo maanta laga doodday sharci la’aanta maamullada iyo doorashada guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu maanta miiska u saaray maamullada in ilaa bisha June 2025 looga shaqeeyo dhismaha gudiga doorashada, sharciga doorashooyinka iyo qabashada doorashada Golaha Deegaanka, markaa kadibna guud ahaan dalku aaddo doorasho guud oo qof iyo cod ah, wixii ka dambeeya bisha June 2025.
Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa arrintaas madaxa u ruxay laakiin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka horyimid iney maamulladu doorasho la’aan sii jooggaan kuraasta, iyo in go’aan laga gaaro doorasho qof iyo cod ah iyadoo ay Golaha ka maqantahay Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa dalbaday in maamulka Khaatumo lagu soo daro Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo adkeysay xaaladda kulanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse ayaa la sheegay iney gaar Axmed Madoobe ula shireen lamana oga waxa ay ku dhameysteen, kadibna waxay hada Xasan Sheekh iyo Xamse shir gaar ah kula jiraan Qoor Qoor iyo Lafta Gareen. Shirka ayaa u baahday maalin dheeri ah waxaana la isku soo laaban doona berri hadii Alle idmo.