Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo galay maalintii labaad ayaa waxaa miiska saaran laba dood oo dhinacyadu ay isku hayaan.
1) Guddiga doorashada ayaa ah qodob adag oo leh fasiraad kala duwan, xeerka ka soo gudbay golaha wasiirada oo aan wali soo marin labada aqal ayaa muujinaya dhisidda guddi doorasho oo qabanaya dhamaan doorashooyinka heer federaal iyo midda dowlad Goboleedyada.
Qodobkan waxaa diidan maamulada oo iyaga raba in ay sameystaan guddiyo doorasho oo qabta doorashooyinkooda, taasina waxaa diiddan dowladda dhexe oo iyadu rabto doorasho halmar ah oo ay qabtaan guddi qaran oo soo mara hay’adaha dowladda waana halka ay ka jirtaa doodda adag keentay guuxa ah in Villa Soomalaiya ay rabto muddo kordhin maamulada ah.
Qodobka kale ayaa ah muddo kordhin kale oo la sameeyo lana qabto doorasho halmar ah 2025 bisha November, waxaase tani liqi la’ Madaxweyaasha shirka soo xaadiray.
Ugu dambayn waxaa jira cadaadis siyaasadeed oo ka imaanaya laba jaho oo kala ah.
1 Siyaasiin uu damac kaga jiro kuraasta ay ku fadhiyaan afarta maamul goboleed oo waqtiga uu ka idlaaday xilli hore.
2 Cadaadis bulshada rayadka iyo saaxibada caalamiga ah oo daneenaya in madaxdu ay aadaan doorasho.