Waxaa Maantay Inta Badan Madaxda maamul Goboleeyada Soomalaiya Soo Gaareen Muqdiaho Marka Lagareebo Deni.
Shirkaan Golaha Wadatashi Qaran ayaa Looga Hadli Doonaa In Dowlada Soomaaliya Soo Magacowdo Guddiga Doorashooyinka Dowlada Goboleedyada Balse Waxaa Taas Ka Biya Diidan Qoor Qoor Laftagareen iyo Axmed Madoobe kuwaas oo Doonaaya inay Qabsadaan Doorasho ay Dib ugu soo laabtaan.
Si Taas u Suurta Gasho Madaxweyne Xassan Sh ayaa la xaqiijiyey in uu madaxda dawlad gobaleedyada Koonfurta dalka ee mudo dhaafka ah siin doono hal sano oo mudo kororsi cusub ah, taas oo ka dhigan in Madaxda DG ay gaari doonaan dhammaadka 2025-ka.
Madaxweynaha ayaa ka doonaya Dawlad gobaleedyada Koonfurtu, in ay la ogolaadaan magacaabida guddiga doorashooyinka Madaxa banaan, baarlamaankana kala shaqeeyaan in uu dib u furmo.