Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Ka Furmaaya Muqdisho Iyo Laftagareen oo…

Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Ka Furmaaya Muqdisho Iyo Laftagareen oo…

0

Waxaa Maantay Lafiliyaa in Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya uu Ka Furmi Doono Shirka Golaha Wadatashi Qaran Kaas oo Dhex Mari Doona Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Kala Ah Galmudug Hirshabeele Jubaland iyo Koonfurgalbeed.

Hada Waxaa Magaalada Muqdisho Ku Sugan Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo Saacadaha Sooscoda Lafilaayo Muqdisho inay Soo Gaaraan Axmed Madoobe iyo Laftagareen.

Laftagareen ayaana Lagu qanciyay Ugu Danbayn inuu Yimaado Magaalada Muqdisho Kana qaybgalo Shirkaha Golaha wadatashi Qaran oo Mudo Dheer Qabsoomi waayay.

Axmed Madoobe ayaa isna Aqbalay inuu kasoo qaybgalo Shirkaan oo uu mudo diidana Axmed Madoobe Laftagareen Qoor qoor ayaa dhamaantood Xilkoodii ka dhamaaday.

Xasan Shiikh ayaa Doonaaya in Doorashada Maamul Goboleedyada La Hoos Geeyo Dowlada Soomaaliya Halka Madaxda Maamul Goboleedyadu Arinkaas Diidanyihiin Shirkaan ayaana Noqon Doona Shirkii ugu adkaa ee ay Yeeshaan Dowlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Puntland kama Soo qaybgalayso Shirkaan oo Waxay Horay Xariirka ugu Jareen Dowlada Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Deni ayaana Dhawaan Dalbaday in Asaga Iyo xasan Shiikh Fagaare lagu Garqaado.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Safiirkii Imaaraadka ee…
Next articleLaftagareen oo Ciidamo Farabadan Wata oo Soo Gaaray Muqdisho