Home Wararka Maanta Goobo Ganacsi oo ku Yaalay Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Burburiyay

Goobo Ganacsi oo ku Yaalay Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Burburiyay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray dukaan iyo kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha la qarxiyay dhowaan lagu xiray Kaamirooyinka CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya si loola socda dhaq-dhaqaaqooda.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare nafeed aysan gaysan qaraxyada, laakiin waxaa jira burbur soo gaaray dhismaha goobaha ganacsiga iyo hantida tiilay.

Mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadan ciddii ka dambeysay qaraxyadaas oo loo badinayo xoogaga Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay u beegsatay goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan suuqyada waa weyn, kadib markii lagu xiray Kaamirooyinka qarsiin ee CCTV.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii duleedka Muqdisho laga fuliyay laba weerar oo lagu qarxiyay suuqa Ceelasha Biyaha iyo kan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo kaamirooyin lagu xiray.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya xilli dhankeeda dowladda Soomaaliya ay kordhisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dekadii Jabuuti Siisay Itoobiya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Safiirkii Imaaraadka ee…