Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Beesha Saruur oo Wata Gadiid Badan oo Dagaal oo Isaga Baxay...

Ciidamada Beesha Saruur oo Wata Gadiid Badan oo Dagaal oo Isaga Baxay Xarardheere

0

Waxaa Galinkii Danbe ee Galabtay Magaalada Xarardheere isaga Baxay Ciidamada Macawislayda Beesha Saruur kuwaas oo Watay Gadiid Dagaal oo Badan.

Ciidamadaan waxaa Hogaaminaayay Gudoomiyihii Hore ee Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kaas oo Hogaan U ahaa u ahaa Xoraynta iyo Amaanka Degmada Xarardheere oo laba Sano Kahor Alshabaab Dagaal Adag looga Saaray.

Alshabaab oo Dhowr mar isku dayay inay Qabsadaan Magaalada Xarardheere ayaa Ciidamadaan iyo Kuwada Dowladu Ka Hor Istaageen.

Caawa Waxaa Magaalada Xarardheere Ku sugan Ciidamada Dowlada ee Gor Gor iyo Macawislayda Saleebaan iyo Cayr oo aan Sidaas U badnayn.

Afhayeenka Ciidamadaan Ayaa Sheegay inay Dhaqaale Ka Waayeen Dowlada Soomaaliya Iyo Tan Galmudug isla Markaasna aysan sii joogi karin Intaan ka Badan.

Sidoo kale Waxay Sheeegeen Hadii la Xaliyo Cabashadooda inay Dib Ugu Laaban Doonaan Magaalada Xarardheere.

Dowlada Soomaaliya iyo Galmudug Wali Kaama hadal  arintaan lama oga Saamaynta Ka Dhalan Doonta Bixitaanka Ciidankaan Macawislayda oo Qayb Wayn ka Qaatay Halganka Xoraynta Degmada Xarardheere.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Wasiir Maareeye Ku Adkeeyey