Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Muqdisho Ka Furmaaya

Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Muqdisho Ka Furmaaya

0

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb-galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in horaanta bisha October uu ka dhaco Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono madaxda sare ee dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka la reebo Puntand.

Villa Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe culus oo ku aadan sidii uu qabsoomi lahaa shirka, waxaana ajendaha ugu wayn uu yahay doorashada oo ay dhinacyadu ku kala aragti duwan yihiin.

Shirka ayaa in muddo ah wajahayay caqabad xoogan oo ka imaaneysay maamullada qaar kamid ah, sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna dib u dhacay dhowr jeer labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxda dowladda federaalka ayaa sidoo kale juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo, isaga oo shalay uun kasoo laabtay safar dalka dibaddiisa ah, kadibna dib ugu laabtay fadhigiisa magaalo xeebeedka Kismaayo.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa isna kamid ah madaxda diidan inay magaalada Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee waddanka.

Shirka ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo gudaha iyo dibadda ah, taas oo maareynteeda looga baahan yahay madaxda shireysa.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ku Dhawaaqay in Itoobiya Xoog ku Qabsatay Gobalka….
Next articleDiyaarad Maantay ka dagi Lahayd Garoonka Caabudwaaq oo Cabsi Darteed La Baajiyay