Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo ku Dhawaaqay in Itoobiya Xoog ku Qabsatay Gobalka….

Xasan Shiikh oo ku Dhawaaqay in Itoobiya Xoog ku Qabsatay Gobalka….

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay Itoobiya qabsatay qeyb kamid ah Soomaaliya, gaar ahaana ay gabi ahaan la wareegtay garoomada diyaaradaha iyo wadooyinkii gobalka Gedo, sida uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefashinka Al Jazeera.

Madaxweyne Xassan Sh ayaa sheegay in ay sidaas oo kale ay Itoobiya ilaa markii la saxiixay Is afgaradkii ay la galeen dhinaca Somaliland, ay Koonfurta dalka ka qoreen oo ay hubeeyeen in ka badan 1,000 maleeshiyo ah, oo laga qoray Qabaa’ilo kale duwan, sidaas oo kalena loo qeybiyey hub ay leedahay dawladda Itoobiya, Warbaahinta  ayaa 2 maalin kahor baahisay xogtan iyadoo ay DFS aad isku dhaafisay in ay bulshada la wadaagto, laakiin MW ayaa hadda qiray, iyadoo waliba Shabeelaha Dhexe lagalin doono hubkii ugu badnaa todobaadyadan.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ad
Previous articleMiski Xasan Dhicisow oo Maantay Dalka Dibidiisa U Safraysay Balse Qarixii Shalay Ku geeriyootay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo Muqdisho Ka Furmaaya