Home Wararka Maanta Ma Dhabaa in Israail ay Khaarijisay Xasan Nasrullaah

Ma Dhabaa in Israail ay Khaarijisay Xasan Nasrullaah

0

Israel ayaa qaadday weeraro aan la filayn oo ay ku jihaysan caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda.

Weerarradii ugu horreeyay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah.

Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

“Waa goor hore in la sheego, laakiin waad ogtahay, waa arrin waqti uun ah. Mararka qaar way qariyaan xaqiiqda marka aan guuleysanno,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii weerarka Israa’iil ee Jimcaha ay ku dileen Nasrallah.

Ciidamada Israel ayaa amray in dadka ku nool saddex aag oo gaar ah ay guryahooda ka baxaan, kadibna waxay fuliyeen in ka badan labaatan weerar oo kale muddo shan saacadood ah.

Kumannaan qof ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo gabbaad ka raadinaya barxadaha, fagaareyaasha iyo laamiyada Beyruut.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah.

Ad
Previous articleP.M Xamsa oo Maraykanka Ka Sheegay Dacwa Ka Dhan Ah Itoobiya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weeraray Magaalada iyo Jawaab laga Bixiyay