Home Wararka Maanta P.M Xamsa oo Maraykanka Ka Sheegay Dacwa Ka Dhan Ah Itoobiya

P.M Xamsa oo Maraykanka Ka Sheegay Dacwa Ka Dhan Ah Itoobiya

0

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka loo dhan yahay ee QM ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itooboya.

Xamza ayaa shirka ka dhex sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu soo xad-gudubtay madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay qatar ka abuurtay gobolka.

“Soomaaliya ayaa hadda wajaheyso qatar xoogan oo kagag imaaneyso falalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, kuwaas oo si bareer ah ugu xadgudbaya sharafta dhulkeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay inay sameysay isku day aan laga fiirsan oo ay ku dooneyso in qayb kamid ah Soomaaliya ay ku darsato dhulkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Ad
Previous articleMaraykanka Oo Ku dhawaaqay inuu Ciidamadiisa Kala Baxaayo….
Next articleMa Dhabaa in Israail ay Khaarijisay Xasan Nasrullaah