Home Wararka Somaliya Galmudug Beesha Dir oo Maalikii 6aad uu U xiranyahay Garoonka Diyaarada Caabudwaaq

Beesha Dir oo Maalikii 6aad uu U xiranyahay Garoonka Diyaarada Caabudwaaq

0

Kadib Dagaalo Qaraar oo Dhexmaray Beelaha Dir iyo Mareexaan oo khasaaro Badan gaystay ayaa Beesha Dir Waxay ay Xirtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq.

Beesha Dir oo Ayaa Qoryaha Lidka Diyaaradaha Ku Xirtay Meel U dhow Caabudwaaq ayagoo Wacad ku Maray Diyaaradii isku dayda inay Garoonka Caabudwaaq ka Dagto Soo Ridi Doonaan.

Shirkadaha Diyaaradaha Ayaana Cabsi ay ka Qabaan Owgeed u joojiyay Inay Adaan Magaalada Caabudwaaq.

Sidoo kale Waxaa Go,ay Gaadiidkii Isaga Safri jiray Magaalooyinka Xeraal huurshe iyo Caabudwaaq.

Beesha Marexaan ayaan laba Maalin kahor Toogtay Sadex Qof oo Maxbuusin ahaa Kuwaas oo uu ku jiray nin waalin oo inta Geed lagu Xiray Sawiro laga qaaday kadibna La Dilay.

Dagaalka Beelahaan ayaana Gaaray Halkii ugu Xumaa. Beesha Cayr ayaana Shalay Odayaal Xabad joojin Sameeya u dir Laandheer oo Dagaal qaraar ka Dhacay Asbuucii lasoo Dhaafay.

Galmudug ayaana indhaha Ka Daawanaysa Waxa ka dhacaaya Laandheer oo U dhaxaysa Caabudwaaq iyo Xeraale dhawaan Dagaal Hal maalin ah ayaa Waxaa ku dhintay 100 Qof oo Marexaan iyo Dir ah.

Ad
Previous articleDagaal Xalay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Ku dhexmaray Muqdisho
Next articleMaraykanka Oo Ku dhawaaqay inuu Ciidamadiisa Kala Baxaayo….