Home Wararka Maanta Wadahadaladii Soomaliya iyo Itoobiya oo Gaaray Meel Quus ah

Wadahadaladii Soomaliya iyo Itoobiya oo Gaaray Meel Quus ah

0

Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinayay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha labada dal ayaa u muuqda mid ku guul-darraystay in wada-hadal toos ah isugu keeno madaxda labada dhinac, oo iyagu marba marka ka dambeysa xoog usii kala fogaanaya.

Ad
Previous articleSacuudi Carabiya oo dhistay isbaheysi caalami ah ka Dhan ah Israil
Next articleMaxaa keena xanuunka faaligga oo kusoo badanaya qaar ka mid ah dadka Muqdisho?