Guddoomiyaha maxkamadda CQS ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhowaaqay inay dambi tahay in hubka qeybihiisa kala duwan guryaha lagu haytso, iyadoo lagu gabbanaayo mas’uuliyad dowladeed oo xilligaasi la hayo iyo in laga ganacsado.
Shuute “oo jariimo cad iyo wax halis ku ah ammaanka shacabka” ku tilmaamay haysashada hubka, ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen xeer ilaaliye dabagal ku sameeya dadka hubka haysta iyo guryaha lagu haayo.
Fallan-qeeyeyaasha amniga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaallada xakameynta hubka ee socda, laakiin ay wax walba ku xiran yihiin qaabka loo fulinayo.
Ad