Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Sidee Xaalada Deeganaadii Galmudug ee Dagaalada Qaraar Shalay Ka Dhaceen?

Waa Sidee Xaalada Deeganaadii Galmudug ee Dagaalada Qaraar Shalay Ka Dhaceen?

0

Maantay Wax dagan Goobihii Shalay Dagaalada Qaraar ee ka Dhaceen ee Galgaduud Galmudug Gaar ahaan Laandheer iyo Jabsiile Dagaalkaas oo U dhaxeeyey Beelaha Dir Iyo Mareexaan.

Daganaan aan Caga Badan ku Taagnayn ayaa maantay Laga daremayaa Deganaadaas Taas oo Shalay Dagaal lagu Hoobtay uu Ka dhacay Beelaha Dir ayaana Dhaawacyo farabadan Gaarsiiyay Degmada Cadaado oo Haatan lagu dabiibaayo.

Sidoo kale Beesha Marexaan ayaa ayaduna Dhaawacyo badan Gaystay Degmada Caabudwaaq Khasaaraha Dagaalkaan Shalay Ayaa La Sheegay inay Labada Dhinac Ka Geeriyoodeen dad Ka badan 30 Halka in ka Badan 100 ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan ayaa Yimid Kadib Markii Beesha Mareexaan Isku dayeen inay Ceel ka Qotaan qaybo ka mid ah Dhulka Laisku haysto Beesha Dir oo Diidan Ceelkaas ayaana Weerar ku qaaday Halkii Ceelka laga Qodaayay Kaaso oo ugu danbayn joogsaday.

Majiro Wax ilaa Hada Ku Baxay Balse Waxaa Maantay lakala aasanaaya maydadka Sidoo kale Labad dhinac waxaa Gaaray Gurmadyo Xoogan oo Uga Kala Yimid Deeganadooda Waxaana Macquul ah in Saacad kasta uu dagaalku Dib Ubilaaban karo.

Beelahaan ayaana Dhawaan Degaankaa Maantay Lagu dagaalamaayo isaga Dilay Hal Maalin 100 Qof, Galmudug ayaana Markaas ku Baxday oo kala Dhexgashay Balse Heshiskaas ayaa Durbadiiba Jabay lama oga Halka Xaalku ku danbayn Doono.

Ad
Previous articleXisbullah oo gantaalo ku weerartay Tel Aviv
Next articleSaacada Ka Hor ayaa Loo Dalacsiiyay Darajada Sareeyo Gaas Wax Yar kadibna Wasiir Ayaa Loo Magacaabay