Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo qaaday tallaabo horleh oo ku aadan damaceeda ku aadan...

Dowladda Itoobiya oo qaaday tallaabo horleh oo ku aadan damaceeda ku aadan in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya ayaa qaaday tallaabo horleh oo ku aadan damaceeda ku aadan in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee hoostaga Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassi oo la kulmay Catherine Molly Phee, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado bixista ATMIS oo ay qayb ka yihiin ciidamadooda oo haatan ka howlgala gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Taye Atske-Selassi ayaa soo jeediyay in laga fiirsado ka hor inta aan la go’aamin bixista ciidamada ATMIS oo ka socda dhowr dal Afrikaan ah, kuwaas 15 sano ka badan jooga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la tixgelinayo dadaallada joogtada ah ee ciidamada Itoobiya ay kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, isaga oo xusay in door muuqdo ka qaateen howlgallada ka socda gudaha Soomaaliya.

Wasiirka oo ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xusay inay isla garteen in lasii wado dadaallada socda ee ku aadan soo afjaridda kooxaha argagixisada ah oo loo arko inay halis ku yihiin amniga gobolka.

“Labadeenaba waxaan xaqiijinay muhiimada ay leedahay sii wadida dadaalkayaga ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dhismaha nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo la filayo in dhammaadka sanadkan ciidamada ATMIS ay isaga baxaan guud ahaan dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay qorsheysay howlgal kale oo beddalaya, kaas oo ay kamid noqonayaan ciidamo ka socda Masar, taas oo ay diidan tahay dowladda Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Xildhibaan ku Wajahnaa Baydhabo oo loo Diiday inu ka Baxo Muqdisho
Next articlePuntland oo taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle