Home Wararka Maanta Doon 30 meyd ah badda la sabeyneysay ayaa laga helay xeebaha dalka...

Doon 30 meyd ah badda la sabeyneysay ayaa laga helay xeebaha dalka Senegal

0

Ugu yaraan 30 meyd ah ayaa laga helay doon laga helay meel u dhow xeebta Senegal sida ay sheegeen militeriga dalkaasi.

Ciidamada badda ayaa lagu wargeliyay in doon ay ku luntay doon meel u jirta 70 kiilomitir caasimadda Dakar sida lagu sheegay qoraal ay ciidamada soo dhigeen barta X. Doonta oo alwaax ka sameysneyd ayaa shalay la keenay dekadda.

“Waxaa aad u adag in la aqoonsado meydadka sababtuna waa iyagoo isbeddelay” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen ciidamada.

Waxaa socda baaris lagu go’aaminayo goorta iyo halka ay doonta ka soo baxday iyo tirada saarneyd.

Dhawaan waxaa kordhay tahriibayaasha ka soo baxaya xeebaha Senegal ee ku socda jasiiradaha Canary ee Spain. Waa safar looga gudbayo 1,500km oo badda Atlantic ah.

Dowlada Senegal ayaa ku dhawaaqday qorshe 10 sano ah oo wax looga qabanayo muhaajiriinta sida sharcidarada ku socda.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa boqolaal muhaajiriin ku qabtay xeebaha dalka toddobaadyadii la soo dhaafay

Ad
Previous articleNin u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa saaxiibtii dilay kaddibna shub ku hoos aasay