Home Wararka Maanta Nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa saaxiibtii dilay kaddibna shub ku hoos...

Nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa saaxiibtii dilay kaddibna shub ku hoos aasay

0

Nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa qirtay in uu dilay gabar saaxiibtiis aheyd kaddibna uu meydkeedi ku qariyay shub 16 sano kaddib markii la sheegay in la la’yahay.

Ninka oo jira hadda 50 sano waxaa uu booliska u sheegay in uu ku dhuftay dubbe kaddib markii ay murmeen gurigiias oo ku yaal koonfurta magaalada Geoje.

Kaddibna waxa uu meydka geliyay sanduuq isagoo ku daboolay dhagax iyo shamiito dayrka guriga.

Bishii la soo dhaafay ayaa la helay meydka kaddib markii nin dayactirayay guriga uu qoday halkaas sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Meydka oo ilaa marka ku jiray sanduuq ayaa la aqoonsaday in uu ahaa haweeneydii la la’aa kaddib markii la baaray. Baarista waxaa sidoo kale lagu ogaaday in ay u dhimatay jug xooggan oo kaga dhacday madaxa.

Ninka oo booliska ay u bixiyeen Mr A, kuma nooleen guriga balse markii meydka la helay ayaa degdeg loo xiray. Wuxuu booliska u sheegay in ay isla noolaayeen ilaa shan sano ka hor inta aysan murmin bishii Oktoobar sanadkii 2008-dii.

Ad
Previous articleMuxuu yahay walaaca Itoobiya ay ka qabto hubka la geeyay Soomaaliya?
Next articleDoon 30 meyd ah badda la sabeyneysay ayaa laga helay xeebaha dalka Senegal