Home Wararka Maanta SSC Khaatuma iyo Puntland oo Khilaaf Adag Ka Dhex Qarxay Maxaa Dhcay...

SSC Khaatuma iyo Puntland oo Khilaaf Adag Ka Dhex Qarxay Maxaa Dhcay ?

0

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si adag uga horyimid tallaabo uu qaaday maamulka Puntland, taas oo ka careysiisay SSC.

Xiisadda ka dhex qaraxday labada dhinac ayaa salka ku haysa deegaano ay isku haystaan labada dhinac, kaas oo SSC-Khaatumo ay sheegtay inay ka taliso, oo ay kusoo gardarootay Puntland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku kacay tallaabo uu ku tilmaamay xad-gudub iyo meel ka dhac, taas oo ay ku sheegatay qeybo kamid ah maamulkooda, sida uu sheegay.

”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah waa xad-gudub iyo meel ka dhac, waana uga digeynaa maamulka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu digay wasiirka hay’ado uu sheegay inay qeyb ka yihiin arrintaan, oo keeni karta khatar amni oo ka dhalan karta muran dhuleed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo.

“SSC-Khaatumo diyaar ayey u tahay inay difaacayo dhulkeeda iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri Wasiir Najiib, oo si adag ugu digay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku kacday xad-gudub ka dhan ah maamulkooda.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu maamulka Puntland wado qorshe uu qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn kaga hirgelineyso mashaariic ay fulinteeda leedahay hay’adda UNICEIF ee Soomaaliya, taas oo si weyn uga careysiisay SSC-Khaatumo, oo iyadu u aragta tallaabadan mid ay Puntland ugu soo xad-gudubtay deegaanadeeda.

Ad
Previous articleJames Swan oo Gaaray Dhuusamareeb lana Kulmay Qoor Qoor(Sawiro)
Next articleMuxuu yahay walaaca Itoobiya ay ka qabto hubka la geeyay Soomaaliya?