Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku yimid Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka halka ay mareyso, amniga iyo la dagaalanka cadawga argagaxisada, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka , mashaariicda hormurinta iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.
0
Ad