Home Wararka Caalamka Dalka Sweden Haweeney Heshay Lacag Gaareysa 230 kun Karoon Kadib Markii ay...

Dalka Sweden Haweeney Heshay Lacag Gaareysa 230 kun Karoon Kadib Markii ay Dalbatay Fasax Jiro

0

Haweeney ku nool magaalada Borås ayaa si qalad ah lacag ka badan 230,000 oo krone ka heshay Sanduuqa Ceymiska Bulshada ee (Försäkringskassan) ka dib markii ay dalbatay fasax jirro gaaban.

Markii shaqaalihii khasnajigu ay garteen khaladka dhacay, waxay dalbadeen in loo soo celiyo lacagtii la siiyay, balse haweeneyda ayaa diiday.

Haweeneyda ayaa ka heshay Sanduuqa Ceymiska 11 maalmood oo fasax jirro
ah, taasi oo ay kaga heshay sanduuqa  Ceymiska 234 kun oo karoon. Sida uu sheegay Radio Sverige

Sanduuqa Caymiska ayaa markii dambe raaligelin ka bixiyay khaladkii dhacay waxayna dalbadeen in loo soo celiyo lacagta.

Si kastaba ha ahaatee, haweeneydu waxay sheegtay in ay bixisay lacagtaasi loogu soo diray sida qaladka ah.

Ad
Previous articleDad Gaaraya 492 Qof oo ku dhintay Duqeymaha Isreal ee Lubnaan
Next articleAlshabaab oo Doonaayay inay Gudoomiye Sariirtiisa Ku Dilaan oo La Fashiliyay