Home Wararka Caalamka Dad Gaaraya 492 Qof oo ku dhintay Duqeymaha Isreal ee Lubnaan

Dad Gaaraya 492 Qof oo ku dhintay Duqeymaha Isreal ee Lubnaan

0
Militeriga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen duqeymo ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin Xisbullah ee dalka Lubnaan, kuwaas oo maamulka Lubnaan ay sheegeen inay ku dileen 492 qof, isla markaana ay tobanaan kun oo qof u qaxeen si ay ammaan u helaan maalintii ugu dhimashada badneyd ee dalkaasi soo marta.
Ka dib markii qaar ka mid ah rasaastii ugu cusleyd ee la is weydaarsado xudduudaha tan iyo markii ay colaaddu soo shaacbaxday bishii Oktoobar, Israa’iil waxay uga digtay dadka Lubnaan inay ka guuraan meelaha ay sheegtay in dhaqdhaqaaqa hubaysan uu hubka ku kaydinayo.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo diray bayaan kooban oo muuqaal ah oo uu kula hadlay dadka reer Lubnaan.
“Dagaalka Israa’iil kuma socdo Xisbullah, muddo aad u dheer ayay Xisbullah idiin adeegsanaysay gaashaan bani’aadam,” ayuu yidhi.
Qoysas ka yimid ah kuwa ku ku nool koonfurta Lubnaan ayaa bilaabay inay halkaasi ka guuraan.
Ad
Previous articleMasar oo Ka Hadashay Hubkii ay Kasoo Dajisay Dekada Muqdisho
Next articleDalka Sweden Haweeney Heshay Lacag Gaareysa 230 kun Karoon Kadib Markii ay Dalbatay Fasax Jiro